Faah-faahin:dilal xalay kadhacay Garissa

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal xalay magaalada Garissa loogu gaystay 3 ruux oo uu kamid ahaa masuul katirsan wasaarada warfaafinta Kenya.

Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa 3 qof oo qaarkood ay kamid yihiin masuuliyiinta Kenya waxa ay ku toogteen magaalada Garissa ee xaruunta gobolka Waqooyi bari.

Gudoomiyaha Count-ga Garissa mr Macalin Maxamed, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in 3 qof lagu toogtay agagaarka Masjidka Jaamiye eek u yaala magaalada Garissa, dadka latoogtay mid kamid ah waxa uu katirsanaa wasaarada warfafinta ee dalka Kenya, halka midka kalena uu ahaa shaqaale katirsan Banki kuyaala halkaas, qofka Sadexaadna waxaa lagu sheegay inuu ahaa qof rayid ah.

Gudoomiyaha Count-ga Garissa, waxa uu sheegay in dadkii dilkaasi ka danbeeyay ay goobta ka baxsaden.

Magaalada Garissa waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay kadhacayay dilal isdaba jog ahaa oo qaarkoodna loo gaysanayay laamaha amaanka ee magaaladaasi iyo dad rayid ah oo aan waxbo galabsan.

Doowlada Kenya ayaa tuhunsan dilalka kadhacaya magaalada Garissa ay ka danbeeyaan kooxda Al-shabaab ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here