Faah faahin:Dilal iyo Qaraxyo Xalay Gaalkacyo ka dhacay

images (3)Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo qaybta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay magaaladaas ay kadhaceen qaraxyo iyo dilal.

Qaraxa ayaa sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen waxa uu ahaa mid mid ku qarxay qof doonayay inuu meel ku aaso.

Sida la sheegay Wiil dhalinyaro ah oo aad u yar ayaa waday qaraxaan kaasoo uu dhaawac halis ah kasoo gaaray ugu danbeyna ku dhintay Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo.

Ciidamada amniga ee magaaladda Gaalkacyo ayaa markiba goobta garey iyagoona baaritaano ka bilaabey balse lama cadden illaa xiligan ciida ay kusoo qabteen.

Dhinaca kale goob joge kusugna Isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen ninkale oo dhalinyaro ah kaaso la sheegey inuu aqoonsadey ninka qaraxa ku geeryoodey ee markii hore isku soo xirey.

Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa dhaawac uu kasoo gaaray 2 qof oo shacab ah oo Goobta ka ag dhawaa.

Dhanka kale Koontaroolka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa xalay waxaa lagu dilay 2 qof oo rayid ah, kuwaasoo sababta loo dilay ilaa iyo hada aanan la garan, waxaana Jawiga uu ahaa meel aad u cakiran Subixii hore ee Saakay markii ay soo if baxday dhimashada labadaas qof.

Ma cada dhimashada labadaas qof ee dhalinyarada ah ineey xiriir la leedahay qaraxii Xalay ka dhacay magaalada gaalkacyo iyo ineey tahay Sababo kale.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here