Faah faahin:Kumaandooska Faransiiska oo xalay Weerar ku qaaday Buula-mareer

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay Ciidamada gaarka ah ee Faransiiska ku qaadeen guri ku yaal degmada Buula-mareer oo katirsan gobolka Sh/Hoose.

Goob joogayaal ku sugan degmada Buula-mareer ayaa sheegay ineey maqlayeen guuxa diyaaradaha Helicoptarka oo magaalada dulmaraya kahor inteeysan maqal qaraxyo iyo rasaas.

Waxaa la aaminsanyahay in Al-shabaab ay halakas ku hayeen lahaystaha Faransiiska udhashay ee Allex Denis.

Mid kamid ah Saraakiisha Al-shabaab oo lahadlayay wakaalada wararka AP ayaa sheegay ineey dileen tiro kamid ah Ciidamada Kumaandooska Faransiiska ee xalay weerarkaas qaaday, laakiin wax cadeynaya sheegashadiisa masheegin.

Howlgalkaan xalay Faransiiska uu ka sameeyay Buula-mareer ayaa imaanaya kahor wax yar markii ay xukuumada Paris si rasmi u sheegatay in Ciidamadeeda ay gudaha u galeen wadanka maali si ay garab u siiyaan Ciidamada doowlada oo dagaal kula jira kooxaha haysta waqooyiga dalkaas.

Allex Denis iyo saaxiibkiisa oo kawada tirsanaa Ciidamada sirdoonka Faransiiska ayaa sanadkii 2009 waxaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho xili ay ku sugnaayeen Hotel saxafi, laakiin saaxiibkiis ayaa markii danbo si madaxfurasho ah lagu soo daayay.

Isku day soo furasho:

Mid kamid ah Saraakiisha Sirdoonka doowlada Soomaaliya oo wareeysi siinayay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in Ciidamada faransiiska ee xalay weerarka ku qaaday Buula-mareer uu hadafkoodu ahaa ineey soo bad baadiyaan ama soo furtaan Allex Dennis oo la aaminsanyahay in Al-shabaab ay ku hayaan deegaankaas.

“Waxaan maqalnay dhowr qarax oo is xig xigay kadibna rasaas ayaa xigtay, waxaana magaalada dulmarayay diyaaradaha Helicoptarka” sidaa waxaa wakaalada wararka AP qadka taleefanka ugu sheegay Maxamed Cali oo kamid ah dadka deeganka Buula-mareer.

“Si dhab ah uma sheegi karno waxa meesha ka dhacay, laakiin meesha waa meel jak point u ah Al-shabaab dadkana ay ku baaraan” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Yuusuf Idiris oo kamid ah dadka deegaanka ayaa isna wakaalada wararka AP usheegay in waxa meesha kadhacay aan si rasmi ah loo sheegi Karin maadaama xili habeen ah uu howlgalka dhacay.

Laakiin Yuusuf waxa uu sheegay in saakay markii ay soo tooseen ay arkeen dhowr meydad ah oo uu kujiro nin Cadaan ah, sidokale waxaa jiray dad rayid ah oo ku dhintay weerarka kuwaasoo lagu sheegay 3 qof.

Bogga ay Al-shabaab ku leeyihiin barta Internetka ayay ku sheegeen ineey iska difaaceen weerar ay kusoo qaadeen Ciidamada Kumaandooska Faransiiska.

“Intii uu weerarka socday magaaladu waxay ahayd mid dagan, mujaahidiintuna waxay heleen taageero” sidaa waxaa lagu qoray bog ay Al-shabaabku leeyihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here