Faah-Faahin & Sawiro: Shirka Kismaayo oo furmay

Shirka Kismaayo oo furmay
Shirka Kismaayo oo furmay

Shirka wadatashiga madasha Soomaliya ayaa maanta ka furmay magaaladda Kismaayo, waxaa shirkan isugu yimid madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federaalka.

Shirka ayaa la doonayaa in lagu gaaro go’aano la xiriira nooca doorasho ee Soomaliya ka dhici doonta sanadkan 2016ka.

 

 

Xubnaha shirka ka qeyb galaya:

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasaan Shiikh maxamuud
    Afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari
    Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Cumar Cabdirashiid Sharmaarke
    Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan
    Madaxweynaha Puntland prof. Cabdiweli Cali Gaas
    Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed
    Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam.

 

  • Furitaankii shirka waxaa khudbado ka jeediyey Madaxweynaha, Raysalwasaaraha,, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed.

    Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa khudbadii u horeysey shirka ka soo jeediyey waxaana uu soo dhaweeyey martida shirka iyo ergooyinka. Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay hormar weyn tahay in Soomaali maanta wada hadleyso iyada oo aysan jirin cid ajnebi ah oo ku dhex jirta iyaga oo kawada hadalaya aayahooda. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkan dhaqaalaha ku baxay aanu ahayn mid beesha caalamku bixisey ee uu yahay mid bulshada Jubaland ay iska soo ururiyeen.

  • Shirkan oo socon doona maalmaha soo socda ayaa si weyn looga doodi doonaa qaabka doorasho ee Soomaaliya qaadan doonto sanadkan marka xilku ka dhamaado dowladda hadda jirta.
    Waxyaabaha kale ee madaxda shirka ka qaybgalaysa ay khudbadohooda ku soo qaateen waxaa kamid ah Midnimadda Soomaaliya iyaga oo sheegay in ay ka xunyihiin maqnaanshaha Somaliland.

    Ilaa hadda waxaa la isku waafaqsan yahay dhisamaha aqalka sare oo ku imaan doono 18 gobol, (34 Xildhibaan) kaas oo la doonaayo in la dhiso ka hor inta aan la dhisin aqalka hoose ee Baarlamaanka. Waxa si weyn loogu kala aragti duwan yahay waa Aqalka hoose ma deegaan ayaa lagu soo xuli mise sidii hore afar beeleed iyo beelo badan oo la isu geeyey oo laga dhigey nus 4.5.

    Arrimaha sida weyn la isugu hayo waxaa ka mid ah in la galo doorasho ku saleysan hannaanka 4.5 ama mid deegaan.

    Beesha caalamka ayaa iyadana qayb weyn ku leh shirkan maanta Kismaayo ka fumay

    Dowladda federaalka ah ee hadda ka jirta Soomaaliya ayaa mudo xileedkeeda ku eg yahay bisha Agoosto ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here