Faah faahin & Sawiro:Qaraxa ka dhacay Hotelka Maka Al-mukarama

Ugu yaraan 6 qof oo ay ku jiraan masuuliyiin katirsan doowada Federaalka Soomaaliya, ayaa dhintay kadib markii Xalay Fiidkii hore Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qarxiyay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-mukarama.

Somali policeman secures the scene of an explosion outside the Maka Al-Mukarama hotel in Somalia's capital Mogadishu

Ciidamada Booliska & Kuwa Nabad sugida Qaranka Soomaaliya, oo islamarkiiba goobta soo gaaray ayaa isku gadaamay, waxaana ay bilaabeen ineey daad gureeyaan dadka ku dhaawacmay & kuwa ku dhintay.

Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska, ayaa qaar kamid ah Wakaaladaha Caalamiga ah u shegay in dhimashada ay gaareyso ilaa 11 qof.

Masuuliyiinta doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa weerarka xalay ka dhacay Maka Al-mukaraa ku eedeeyay ineey ka danbeeyaan kooxda Al-shabaab.

Afhayeenka Xukuumada doowlada Federaalka, Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 4 qof 15 qofna ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska, oo goobta ku sugnaa marka uu qaraxa dhacayay, ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in 11 qof ay dhinteen, halka Saraakiisha Isbitaalka Madiina oo la geeyay dhaawacyada ay sheegeen ineey daaweeyeen ilaa22 qof.

Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina, ayaa sheegay in 3 kamid ah dadkii dhaawac ahaanta loo soo gaarsiiyay ay ku geeriyoodeen Isbitaalka Gudihiisa, lamana oga in 3daas qof ee Isbitaalka ku dhimatay ay ku jiraan tirada ay sheegtay doowlada Federaaalka.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay diblomaasi hore oo Soomaaliyeed, kaasoo lagu magacaabi jiray Abdulkadir Ali Dhuub.

Nin Ismiidaamin rabay oo la qabtay:

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Xukuumada Soomaaliya, ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay Gacanta ku dhigeen nin ay ku rakibanyihiin walxaha qarxa, islamarkaasna ay baaris xoogan ku hayaan.

Inkastoo Al-shabaab 2 sano kahor laga saaray magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran, ayaa hadana inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca qaraxyo ismiidamin ah, Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo dilal qorsheysan oo toos ah, waxaana taas ay muujineysa in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee uu Hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed, ay gabtay howshii loo xilsaaray.

Hotelka Maka Al-mukarama ee xalay qaraxa ka dhacay, ayaa ah Hotel Caan ah oo weyn, waxaana inta badan ku shaaxa oo isticmaala Masuuliyiin katirsan doowlada Federaalka & dadka ka yimid Qurbaha, iyo sidoo kale kuwa lacagta leh ee ku nool magaalada Muqdisho.

R/wasaare Saacid, ayaa qaraxa ku eedeeyay wax uu ku tilmaamay Cadawga Nabada Soomaaliya.

“Waxaan si aad ah u canbaareeynaa kuwii ka danbeeyay qaraxaas, waxaana Tacsi u direeynaa dhamaan Eheladii ay dadka uga dhinteen, sidoo kale waxaan ilaah Caafimaad uga baryeeynaa intii ku dhaawacantay” ayuu yiri R/wasaare Saacid.

Muqdisho ayaa maalmahaan waxay ka nasatay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa, waxaana qaraxaan uu kusoo aadayaa xili magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Jubooyinka.

Sawiro farabadan halkaan ka daawo:

_71006257_71006250 _71008741_019917400-1 Somali policeman secures the scene of an explosion outside the Maka Al-Mukarama hotel in Somalia's capital Mogadishu 75773C89-4110-4F06-A704-1F86DB5237E7_w640_r1_s 252126-somalia-blast Somalia Blast ALeqM5hwMQpmqn3KK93fCfqhHX07fMuXxQ ALeqM5itozPn-5TiHxZO9isYqJUbXnIvxA D0094C0B-9B92-473A-9728-5E5D8A9A8374_w640_r1_s somaliablast-20131109070632401575-620x349

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here