Faah-Faahin & Sawiro: Weerarkii xalay lagu qaaday Banaadir Beach

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa soo gaba gabeeyay weerarkii ka socdey makhaayadda Banaadir Beach ee Muqdisho abbaaro 3 am Jimcihii ee xilliga Muqdisho.

Ugu yaraan 5 ruux, ayaa la sheegey inay ku dhinteen weerarkaasi, oo ay kooxo ka tirsan al-Shabaab ku qaadeen makhaayadda fiidkii Khamiista, halkaas oo markii hore werarka ku billowdey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay, oo ay daba socdeen rag hubeysan oo gudaha makhaayadda galay.

106791667_epa05510401_Cameramen_film_the_remains_of_a_destroyed_vehicle_in_front_of_Banadir_beach_re-large_trans++vhCrx-Cy0yBjHIFAUptX7F8EUi_2IXPbFollShkLO_g

Milkiilaha makhaayaddaasi C/risaaq Maxamed Jimcaale, ayaa VOA u sheegey in dadka dhintey ay laba shaqaalihiisa ahaayeen.

Maleeshiyaadka goobta weeraray, ayaa la sheegay inay ahaayeen 3 ruux.

106791670_epa05510402_A_Somali_security_officer_walks_in_front_of_destroyed_vehicles_in_front_of_Ban-large_trans++e62h_1Y3s_iL2wPgiZHb7HCugcTyzyB-SXuPVffSvBI

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna, ayaa ku warantay in ruux looga shakisan yahay raggii weerarka soo qaaday isagoo dhaawac ah la qabtay, haddana la daweynayo.

Maleeshiyaadka al-Shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here