Faah-Faahin &Sawiro: 28 ruux ku dhimatay qaraxyo gilgilay Brussels

Zaventem airport Brussels
Zaventem airport
Brussels

Halkan kala soco wararkii ugu danbeeyay qaraxyada Brussels.

11.16 Sawirrada qaraxyada Brussels

Halkan ka daawo sawirrada qaraxyada Brussels.

11.03 Weerarada ayaa lala beegsaday gagida dayuuradaha ee Brussels iyo saldhig tareen.

Laba qarax ayaa ka dhacay siddeedii subaxnimo gagida dayuuradaha ee Zaventem iyadoo dadka ay saf ugu jiraan inay duulaan.

Warbaahinta Belgian VRT ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof ay dhinteen, 35 kalena ay dhaawacmeen. Waxay u eg tahay qaraxa inuu ka dhacay meel u dhow miiska diyaarada American Airline iyo Belgian Airline ee garoonka.

Waqti yar kadib qarax kale ayaa ka dhacay saldhiga tareenka ee Maalbeek, oo aad ugu dhow xarunta Midowga Yurub. Waxaa ku dhintay 15 qof, 55 ayaa ku dhaawacantay. Dowladda Belgian waxay kor u qaaday heerka feejignaanta argagixisada waddanka oo dhan, iyadoo gaarsiisay heerka 4.

10.40 Madaxweynaha Ruushka ayaa cambaareeyay

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “fal waxashnimo” waxa ka dhacay Brussels, wakaalada wararka Interfax ayaa tabisay, iyadoo soo xiganaysa xoghayihiisa warbaahinta Dmitry Peskov.

“Madaxweynaha ayaa cambaaraynaya falkan waxashnimada, wuxuuna tacsi u dirayaa dadka reer Belgian, wuxuuna u balanqaaday taageero Boqorka Philippe dadka reer Belgian waqtigan adag.”ayuu yiri Mr Peskov.

Waxyaabaha Ugu Muhiimsan.

Laba qarax ayaa ka dhacay gagida diyaaradaha ee Brussels- mid ayaa laga shakisan yahay inuu qof is qarxiyay.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay, 35 ayaa ku dhaawacantay.

Sawirrada ayaa muujinaya qasaaro badan oo gaaray dhismaha tarminaalka gagida diyaaradaha.

Qarax ayaa sidoo kale ka dhacay saldhiga tareenka ee Maalbeek oo u dhow dhismayaasha Midowga Yurub. Waxaa ku dhintay 15 qof, 55 ayaa ku dhaawacantay.

Qaraxa ayaa yimid maalmo kadib markii la qabtay Salax Abdeslam, oo ahaa qofka ugu muhiimsan ee looga shakisan yahay weerarka Paris ee dhacay November.

3272C97700000578-3503928-image-m-77_1458637862743 3272CE1300000578-3503928-Aftermath_A_man_lies_stricken_on_the_pavement_as_survivors_kiss_-m-10_1458639898628 3272F7B000000578-3503928-image-a-35_1458641644238 3272F41D00000578-3503928-image-a-36_1458641654204 32726E7600000578-3503928-image-m-45_1458633847814 32733B4D00000578-3503928-Explosion_The_image_above_is_being_used_by_the_Belgian_media_who-a-41_1458643296072 327275B800000578-3503928-A_man_lies_injured_in_the_terminal-m-30_1458641387774 3272581400000578-3503928-Two_explosions_have_been_heard_at_Brussels_Airport_it_was_claime-a-15_1458632082516

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here