Qoddobo laga soo saaray shirkii dowladda iyo maamulka Puntland ee Garoowe Dhageyso

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kaddib markii labadii cisho ee la soo dhaafay uu booqasho ku joogay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa tan iyo shaley markii ay gaareen Garoowe waxa ay kulamo la lahaayeen maamulka Puntland.

Kulamadaas waxaa kii ugu ballaarnaa uu dhacay maanta, waxaana looga hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan shirka London iyo maamul u sameenta Jubbooyinka.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadii u socday si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan arrimo dhowr ah iyo wax yaabaha ay isla afgarteen labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed faroole oo ka warbixiyey qodobadii ay isku afgarteen ayaa sheegey inay ka mid yihiin sidan.

Halkan ka dhageyso Shrkii Jaraaid

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/04/xasansheekh294.mp3″]

 

1-In dib u heshiisiinta Soomaaliyeed loo maro wada hadalka Socda.

2-In la sameeyo Guddi Farsamo oo ay ku wada jiraan Puntland iyo Dowlada Federaalka oo ka shaqeeya Nabad-galyada iyo Mideynta Ciidamada Soomaaliyeed.

3-In la Ayido Heshiis-yadii horey u dhexmarey Puntland iyo Wafdigii Ra,iisal wasaaraha ee Puntland yimid, kuwaas oo lagu sii socodsiinayo sidii horey loogu heshiiyey xag Amni iyo xag dhaqaale.

Faroole wuxuu sheegey in wali ay jiraan qodobo aan la isku afgaran kuwaas oo ay ka mid yihiin sida uu Madaxweynuhu sheegey Wadada loo marayo dhisitaanka Maamul Goboleed-yada oo ah kuwo ilaa iyo hadda lagu kala aragti duwan yahay.

Madaxweynaha Puntaland ayaa sidoo kale dhawaajiyay inay jirto wax uu ku sheegay khiyaano lagu sameeyey Dastuurka qaar ka mid ah qodobadiisa,oo lagu soo darey qodobo aan ku jirin wixii lagu heshiiyey ee dastuurka rasmiga ku qornaa, taasna ay ka wada hadleen Madaxweynaha Federalka iyo Waftigiisa , ayna waajib ka saaran tahay DF ilaalinta sharciga wadanka.

Dhankiisa madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna sheegey in uu dhawaan jirro doono barnaamij lagu dhaqan galinayo qodobadaasi lagu heshiiyey laguna xaqiijinayo hirgalintooda.

Madaxweyne Xasan Shiikh Waxa uu sheegey inay u kuurgali doonaan waxa ka jirra qodobada ama meelaha ay wax ka tilmaamtey Dowlada Puntland ee la sheegey in laga khaldey Dastuurka, isagoona sheegey in Dowlada Somalia gacanta ku hayso uu yahay sida uu u maleynayo midkii lagu heshiiyey ee la ansixiyey.

Dhismaha Maamul Goboleed-yada ayuu sheegey Madaxweyne Xasan Shiikh inay tahay mid dastuuriya, balse u baahan tahay in laga sheekeysto,islamarkaana la iska arko farsamada lagu dhisi karo.

Wuxuuna carabka ku dhuftey inay dhici karto farsamadii dhowr bilood ka hor lagu dhaqaaqey oo inaan maanta sax noqon karin, sidaasna ay ugu baahan tahay in kulamo kale la isaga yimaado.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com  ,  midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here