Faah-Faahin: Qarax ka dhacay Janaale

deg deg ahMaanta duhurkii waxaa magaalada Janaale ee goblka Shabeellaha Hoose, ka dhacay qarax weyn oo ah nooca gacanta laga tuuro, waxaana uu geestay khasaaro xooggan.

Guddoomiyaha degmada Janaale, Maxamed Idiris oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen ilaa seddax qof 14- kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa degmada Janaale oo maanta kale aad mashquul ah.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaal ay lee yihiin AMSIOM oo ku yaala degmada Janaale sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Janaale.

Waa qarixii ugu horeeyay oo ka dhacay degmada Janaale ee ka dhaca halkaas, dadka ayaana aad ula yaaban, waxaana istaagay ganacsiga suuqa oo maanta oo kale ay dadka aad u yimaadaan suuqa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here