Faah-Faahin :Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqidsho

Waxaa faah-faahin ay ka soo baxaysaa qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay meel ku dhow Tiyaatarka Muqdisho.

Inta la ogyahay toddobo qof ayaa ku dhintay qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro taliyaha nabad sugida gobalka Banaadir Khaliif Axmed Irig.

Warar ayaa sheegaya in qaraxaas la damacsanaa taliyaha oo goobta joogay markii uu qaraxa dhacay.

Qaraxa ayaa baab’iyay xarumo ganacsi oo wadada ku yaalay in baabuur meesha taallay, dadka dhaawaca ah ayaa loo kala qaaday isbitaalka Madiinka iyo Xalane oo ay maamusho AMSOM.

Qaraxa ayaa si wayn looga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana burburiyay dhismooyin badan sida ay  lee yihiin wariyaasha Shabakadda Midnimo oo goobta tagay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dajiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Mahiga ayaa cambaareeyay qarixii maanta oo ay sheegatay masuuliyadiisa ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho waxay ka fulinayaan gudaha caasimadda weerarro ismiidaamin ah oo intooda badan ka dhaca meelaha ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa nagas xasuus ah in sawirro iyo warbixinno kale oo ay soo diyaariyeen wariyaasha Shabakadda Midnimo goordhow naga filo in shaa allah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here