Faah Faahin iyo Sawiro : Xasan Sheekh iyo Kenyatta oo ku kulmay Mombasa Dhageyso

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta, ayaa maanta ku kulmay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ku qornaa Af Ingiriis ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii lagu xoojin lahaa xiriirka labada wadan.

Waxaa kaloi kulanka looga hadlay siddii la isaga kaa shan lahaa dagaalka lagla jiro Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Madaxweynaha isla galabta ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isaga iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibedda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Labada madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ka wada-hadaleen qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Dhageyso warsaxafadeedkii lanada madaxweyne

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/04/shirkiimombasa.mp3″]

Kenya ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo kuwaasoo qayb ka ah howlgalka AMISOM waxaana ay ku sugan yihiin gobalada koonfur galbeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here