Faah faahin ku saabsan sida loo xakumay Mubaarak

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso xakunki dhawaan ay ku riday maxkamada madaxweynihi hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak kaasi oo lagu xakumay xabsi daa,in.

Xakunkan ayaa loo cuskaday inuu ka danbeeyey dilka 900 oo ruux oo ka mid ahaa dadki kacdoonka waday ee ka dhanka ahaa xakunkiisa bishi Janaayo sanadki 2011, waxaana lagu helay inuu isaga amray.

Xeerilaaliyaha maxkamada Ahmed Refaat ayaa ku adkeystay in maxkamadeynta oo socotay 10 maalin ay aheyd mid ku dhacday cadaalad, isla markaana shacabka Masar ay soo mareen 30 sanadood oo cadibaad iyo cadaab uu ku hayey Xusni Mubaarak.

Mubarak oo ah 84- jir ayaa noqday hogaamiyihi ugu horeeyey oo Carab ah oo la xakumo kadib marki xakunka loogaga riday kacdoon shacab, waxa kale uu noqday madaxweynihi ugu horeeyey ee ay shacabkiisa cadaalada horkeenaan ee ka mid ahaa hogaamiyaashi uu saameeyey kacdoonkii Guga Carabta.

Wasiirki hore ee arrimaha dibada Habib al-Adly ayaa isaguna lagu xakumay xabsi daa’in isaga oo ku muteystay isla danbiga Mubaarak lagu xakumay.

Labada wiil ee Mubarak Jamaal iyo Calaa, waxa lagu qaaday dacwado la xiriira musuq maasuq.

Qeylo iyo qalaanqal ayaa laga maqlay banaanka hore ee maxkamada kadib marki lagu dhawaaqay xakunka kuwaasi oo u dhaxeeyo kooxo taageersan xakunka iyo qaar kasoo horjeeday.

Mubarak, oo xakumayey wadanka 30 sanadood ayaa waxa laga baqayey in lagu xakumo dil toogasho ah hase yeeshee xakunkiisa waa la fududeeyey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.