Faah faahin ku saabsan shirka Londan.

Waxaa si toos ah u furmay shirka looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya ee uu soo qaban qaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Ingriiska Devid Cameron, ugu horyntii waxaa shirka furay Devid Cameron oo ka hadlay xaalada dalka iyo sidii Soomaaliya wax looga qabann lahaa.

Devid Cameron ayaa u mahad celiyay kasoo qeybgalayaasha shirka, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta kooxaha Soomaaliyeed ay hal meel wada fadhiyaan.

Waxaa uu sheegay in qorshaha siyaasadda ay ku xeran tahay is aaminaad iyo kalsooni, isagoo tilmaamay in la sameyn doono guddiyo maamula dhaqaalaha soo gala dowladda KMG, si meesha looga saaro masuq maasuqa.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in dhibaatada Soomaaliya aysan xalin karin caalamka balse dhexdooda ay is xalin karaan, isagoo ugu baaqay Soomaalida in ay wadankooda ay dib u hantaan.

“Al-Shabaab waxay lumisay taageerada shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri David Cameron oo sheegay in dhibaatada kooxaha xagjiriinta aysan saameyneyn Soomaali kaliya ee caalamka kale u gudbeyso.

Waxaa kaloo uu ka hadlay Burcad badeedda oo uu sheegay in Mauritius iyo Seychelles ay ogolaadeen in ay maxkamadeeyaan burcadeeda gacanta lagu soo dhigo, halka uu maamulka Somaliland ogolaatay in ay xabsi ku heyso burcadda la xukumo.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo  amniga si ay u soo noqdaan adeegyadii bulshada ee lumay.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas kadib hadalka qaatay isagoo yiri “Ciidamada Soomaalida ee ka dhinac dagaalamaya AMISOM waxay iyaguna u baahan yihiin caawinaad dheeri ah.”

Waxaa uu sheegay Ban Ki-moon in Muqdisho ay tahay caasimadii isla markaana ay u taagan tahay midnimada Soomaaliya, isagoo u mahad celiyay dalalka deriska iyo dowladda Ingiriiska ee shirkani soo qaban qaabisay.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa isna hadalka qaatay ugu horeyn wuxuu u mahad celiyay dowladda Ingriiska, wuxuuna codsaday in cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya la qaado, lana xoojioyo ciidamada Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa codsaday in la sii wado taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya si ay ugu baxdo xiliga kumeel gaarka, isagoo beesha caalamka ku tilmaamay ineysan kasoo bixin go’aanadii ay horay u gaartay.

Madaxweyne Shariif wuxuu yiri “dadka Soomaaliyeed waxay isku raacsan yihiin soo celinta amniga, la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta adeegyada bulshada” wuxuuna sheegay in shirkani rajo laga qabo, Dowladda Ingriiska ee shirkani marti gelisay ayuu amaanay.

Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni ayaa isna ka hadlay shirka isagoo sheegay in meelaha ay afrika ka howlgasho ay xal waara ka keenaan isagoo tusaale u soo qaatay dalal badan oo ay ka mid tahay Suudaan.

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton ayaa sidoo kale ka hadashay madasha waxay sheegtay in dowladda Mareykanka ay ku caawin doonto Soomaaliya dhinacyada shaqooyinka horumarinta iyo adeegyada kale.

Waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka ay taageeryso cid kasta oo cambaareysa lana dagaalanto falalka guracan ee shabaa, iyadoo sheegtay in Shabaab iyo Al-qaacida ay sii wiiqmeyso awoodooda.

Waxay Al-shabaab ku eedeysay in shacabka Soomaaliyeed baahi ku dileen, isla markaana cunaqabateeyeen.

Mar ay ka hadleysay xiliga Kumeel gaarka ayey sheegtay in caalamku ogolaan doonin in la kordhiyo xiliga kumeel gaarka oo ku eg bisha Ogoosto.

Waxay sheegtay in loo baahan yahay sidii Soomaaliya horay loogu sii wadi lahaa, isla markaana dalku u noqon lahaa mid xasiloon.

Waxaa kaloo shirka ka hadlay wasiirka arrimaha dibada Turkiga Ahmet Davutoglu oo ka hadlay mowqifka dowladdiisa iyo sida ay u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Hamad bin Jassim bin Jaber ayaa isna goobta ka hadlay wuxuu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen xal u helida Soomaaliya.

Males Zenawi Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa isna shirka ka hadlay , isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday guushii ciidamadiisa iyo kuwa dowladda ay ka gaareen gobolada dalka qaar gaar ahaan magaalada Baydhabo uu sheegay in ay kaga adkaadeen Shabaab.

Males wuxuu sheegay in ay waajib tahay in tallaabo laga qaado Shabaab iyo kooxaha argagixisada, isagoo intaa raaciyay in ay diyaar u yihiin xasilinta amaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska Allan Juppe ayaa isna ka hadlay shirka wuxuuna sheegay in isbadalo muuqda ay ka dhaceen Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in midowga Yurub uu Soomaaliya ugu deeqay 77 million, Dowladda Faransiiskana ay 30 Million oo wax looga qabanayo xaalada bini’aadanimo ay ugu deeqday dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya  Kipaki ayaa isna lagu soo dhoweeyay shirka wuxuuna sheegay in shirkani uu ku soo beegmay xiligii ugu haboonaa, isagoo u mahad celiyay dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

Kabaki wuxuu ka codsaday dalalka horay u balan qaaday iney ciidamo u soo diraan Soomaaliya iney sida ugu dhaqsiyaha badan ugu baxaan balan qaadkoodii.

Wuxuu sheegay in ciidamadiisa ay deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya ay ka saareen kooxaha xagjirka ah ee Shabaab, sidoo kale wuxuu intaa raaciyay in ay caawin doonaan intii awoodooda ah Dowladda KMG.

Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Guiliomaria Terzi ayaa sheegay in ay taageerayaan isku biirida dhinacyada Soomaalida, sidoo kale wuxuu amaanay dadaalka beesha caalamka ee xal u helida dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Saud Al Faisal isagoo ka hadlay xaalada abaaraha iyo sidii ay ugu qeyb qaateen dalkiisa u gargaarida shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shirkani laga sugayo in caalamka mowqif mideysan ay ka qaataan arrinta Soomaaliya, wuxuu ka hadlay taageerida ay u baahan yihiin AMISOM iyo in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega xilka iyoo goobaha la qabto. Sidoo kale Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu baaqay Dowladda KMG iyo maamulka la magac baxay Somaliland in ay wada hadlaan.

Wixii faah faahin ah la soco.

Ali Muhiaddin
Xarunta Yurub
Muxiyaddiin@hotmail.com