Faah-Faahin ku saabsan Qaraxyada Muqdisho

qaraxWaxa ay warar dheeraad ah ka soo baxayaan Qaraxyada loo adeegsaday labo gaari, kuwaasi oo ka dhacay meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Labadan Baabuur ayaa waxa ay ka timid dhanka Madiina, waxaana ay soo mareen wadada Danwadagta, iyadoo mid ka mid ah gaadiidkaasi uu soo gudbay goob Koontarool aheyd oo ciidamada Nabad Suggida gaadiidka ay ku baaraan, taasi oo ku taalo meel ku dhaw Isgoyska Danwadaagta ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigaasi soo gudbay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay meel ku dhaw Irida ciidamada Amisom ay ka galaan qaybta Dambe ee Garoonka Aadan Cadde, waxaana si gaar ah uu gaarigaasi ugu qarxay meel ku dhaw goob ay degan yihiin Hay’ado ka tirsan UN-ka.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay Qaraxaasi gaariga ee halkaasi ku qarxay.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa rasaaseeyay gaari kale oo la sheegay isagana inuu siday qarax, kaasi oo isagana qarxay.

Baabuurtaan ayaa waxaa kaxeynaayay dad naftood haligayaal ah, kuwaasi oo ku geeriyooday isla qaraxyada Baabuurta.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan ciidamada Nabad Suggida ayaa sheegay inay fashiliyeen qaraxayadaasi.

Saraakiisha Nabad Suggida ayaa waxa ay sheegayan inay bixin doonaan faah-faahinta ku saabsan sida qaraxyadaasi ay u dhaceen iyo Khasaaraha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here