Faah-Faahin ku saabsan kulanka Finalka Fa Cup-ka ee Arsenal vs Chelsea

Macalinka reer Talyaani Conte ayaa si wayn u doonaya in uu xili ciyaareedkiisa ugu horeeya England ku wada guulaysto labada koob ee ugu muhiimsan ee Premier Leaque-ga iyo FA Cupka, waxayna noqon doontaa shaqo layaableh haddii uu riyadiisa kaga dhabeeyo. Laakiin Arsenal ayaa koobka FA Cupka u aragta mid ay iskaga qaboojin karto culayska iyo cadaadiska ay ka dareemaso xili ciyaareed guuldaro buuxda ku dhaw.

Wiilasha Wenger ayaa rekoodh cajiib ah ku leh tartanka FA Cupka iyada oo aan wax guuldaro ah la soo kulmin shantii kulan final ee FA Cupka ugu danbeeyay waxayna ahayd guuldaradii ugu danbaysay ee finalka FA Cupka ku soo gaadhay sanadkii 2001 kii markaas oo ay koobkan u wayday Liverpool.

Haddii ay Arsenal ku guulaysato koobka FA Cupka waxay markale rekoodh cusub u dhigi doontaa koobka ugu taariikhda wayn kubbada cagta gaar ahaan England ee FA Cupka oo ay haddaba ku soo guulaystay 12 jeer. Arsenal oo horeba rekoodh ugu haysatay koobkan ayay Man United xili ciyaareedkii hore ku barbaraysay koobkeedii 12 aad ee uu Van Gaal macasalaamada ka sii dhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here