Dooni ku dagtay Xeebaha Boosaaso{Faah-faahin iyo Sawiro}

Ugu yaraan 18 qof ayaa dhimatay, ku dhowaad 40-kalena la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku dagtay Xeebta Mareero, oo 20km dhinaca Bari kaxigta magaalada Boosaaso.

Dadka dhintay ayaa la aaminsanyahay ineey Tahriibayaal ahaayeen, islamarkaasna ay kusii jeedeen dalka Yeman, Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in ilaa iyo hadda lahelay 5 qof oo ka badbaaday shilkaas.

Dadka dhintay oo meydadkooda la la helay ayaa lakeenay Isbitaalka magaalada Boosaaso.

Tirada guud meydadka isbitaalka lakeenay waa 18, dhimashada dadkaan ayaa timid kadib markii ay la qalibantay dooni ay lasocdeen.

Doonidaan ayaa siday ku dhowaad 60 qof, waxayna ka shiraacatay Xeebta Marooro, Ciidamada amaanka ayaana soo helay meydadka 5 qof oo kamid ahaa dadkii ku dhintay musiibadan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland, Marwo Saynab Ugaas Yaasiin, oo Saxaafada kula hadashay Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, ayaa sheegtay in dadka dhintay ay isugu jiraan qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya iyo dadka deegaanka, waxay kaloo sheegtay in Maamulka Puntland uu Tallaabo adag uga qaaday arimaha Tahriibka, balse ay nasiib daro tahay in Musiibadan ay wali socoto.

“Dadka anaga meesha nagula keenay oo meydka ah waa 18 qof, oo isugu jira Oromo iyo dad deegaanka ah, dadkaasuna waa dad soo haftay baddana ku dhintay” ayay tiri Wasiirada Caafimadka Puntlan Marwo Saynab.

Qaar kamid ah ehelada dadka dhintay ayaa yimid Isbitaalka guud ee Boosaaso, waxaana VOA-da ay usheegeen in dadka dhintay ay ka dhex heleen qaar kamid ah dadkooda ee lasocday doonidaas, halka kuwo kalena ay la’yihiin nolol iyo geeri toona.

Masuuliyiinta laamaha amaanka Gobolka Bari, ayaa sheegay ineey wali baadi goobayaan sidii loo heli lahaa dadka wali la la’yahay ee saarnaa doonidaas dagtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here