Faah faahin kasoo baxeysa dagaal maanta kadhacay Shalaanbood

Wararka ka’imaanaya Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in 3-qof ay dhimatay 7 kalena uu dhaawac soo gaaray kadib markii maanta deegaanka Shalaanbood uu dagaal xoogan ku dhexmaray dagaalyahano katirsan Al-shabaab iyo ciidamada huwanta.

Dagaalkan oo qarxay saakay ayaa soo gaaray ilaa maanta waqti danbo, dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-shabaab weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin meel duleedka ka ah degmada Shalaanbood oo 110km dhanka koofureed kaga began Caasimada Muqdisho.

“Waxaa dhintay 3 qof oo labada dhinac katirsan, 7 kalena waxaa soo gaaray dhaawac intii uu dagaalka socday” sidaa waxaa warbaahinta usheegay goob jooge ku sugan halka uu maanta dagaalka kadhacay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalkan uu ahaa kii ugu xooganaa ee kadhaca degmada Shalaanbood tan iyo markii ay ciidamada huwanta Al-shabaab kala wareegeen halkaas.

Majiro wax war ahoo labada dhinac kasoo baxay ilaa iyo hada oo kusaabsan dagaalkan maanta faraha loga gubtay e kadhacay Shabeelada Hoose gaar ahaan Shalaanbood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here