Faah faahin kasoo baxday shaqaalihi samafalka ee lagu dilay Galguduud

Faah faahin ayaa kasoo baxday shaqaale ka tirsanaa hey’adaha gargaarka oo galabta lagu dilay meel u dhaw deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galguduud.

Shaqaalahan oo ahaa laba ruux oo kala ahaa C/karim Xaashi Kediye oo ahaa madaxa hey’ad maxali ah oo shaqo wadaag kula aheyd qeybita cunada hey’ada WFP iyo nin darawal u ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyey Ducaale.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhimashada labadan ruux ay ka danbeysay kadib marki ay miino la kacday gaari ay la socdeen oo marayey meel u dhaxeysa deegaanada Ceel-dheere iyo Birta-Dheer oo ku dhaw degmada Guriceel.

Marxuum C/kariim ayaa kusoo jeeday magaalada Guriceel sida ay wararku sheegayaan, waxaana caawa meydkooda loo qaaday dhinaca degmada Guriceel kadib marki ay booqdeen saraakiisha Ahlu Sunna.

Lama oga in la beegsaday iyo in ay ku qaraxday miino wadada lagu aasay, hase yeeshee dilka shaqalahaan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca gobolada dhexe oo lagu beegsanayo saraakiisha hey’adaha samafalka.

Bishi December ayey aheyd marki lagu dilay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan shaqaalo ka tirsan hey WFP.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.