Faah faahin kasoo baxday qasaaraha ka dhashay dagaaladi ka dhacay Baladweyne

Ugu yaraan 20 ruux oo dhinacyadi dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib dagaaladi saakay iyo duhurti maanta ka dhacay magaalada Baladweyne.

Qasaaraha ayaa la sheegayaa in uu intaasi ka badan karo xilli dadka rayidka ah aanan wali la helin dhibaatada kasoo gaartay dagaalada oo hada noqday kuwo qaboobay.

Afhayeenka Al Shabab ee dhanka milatariga Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ciidankooda ay uga baxeen magaalada xeelad milatari dagaalkana uuusan joogsan doonin.

Taliyaha ciidanka gobolkaasi ee dowlada KMG Gaashaanle C/lahi Bare Cilmi ayaa xaqiijiyey in magaalada ay hada joogaan ciidamada dowlada, xaaladana ay tahay mid xasiloon.

“Ciidamada dowlada ayaa ku sugan dhamaan magaalada, ciidamada Itoobiya iyo kuwa kalana waxay joogaan banaanka magaalada,” ayuu yiri Mr Cilmi.

Dagaalka ayaa bilowday saakay iyadoo labada dhinac ay kusoo dagaalameen daafaha magaalada ilaa ugu danbeynti la isla soo galo magaalada.

Baladwene ayaa ah magaalo istaraatiiji ah, waxaana hada laga yaabaa in dagaalka uu kusii fido degmooyin kale oo gobolkaasi ah.