Faah faahin kasoo baxday qasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalki Buuhoodle

Waxaa iska soo daba dhacaya qasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalki maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Inta la hubo 7 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 19 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki ay leeftay rasaasta wiiftada ah iyo madaafiicdi la isu adeegsanayey dagaalki maanta oo ahaa mid ka mid ah kuwi ugu qaraaraa ee ka dhaca Buuhoodle.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa xaqiijiyey dhimashada dadkaasi rayidka ah, kadib marki laga saaray magaalada ciidamada maamulka Somaliland.

Dagaalki maanta oo saakay aroorti bilowday waxaa uu ahaa mid markba dhinac uu guul ka sheeganeyey, waxaase marki danbe magaalada dib ula wareegay maleeshiyada horay u joogtay ee kasoo jeeda deegaanka, kadib marki ay ciidanka Somaliland qabsadeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.