Faah faahin kasoo baxday qaraxyo ka dhacay Mandhera iyo Wajee

Qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa kasoo gaaray ciidamada Kenya labadi qarax ee maanta.

Qaraxa hore waxa uu ka dhacay magaalada Mandheera waxaana ku dhintay sida la sheegay askari ka tirsan ciidamada booliska Kenya halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen laba kale sida ay sheegayaan saraakiisha amaanka.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Mandera ayaa wariyaasha u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada laga hago meelaha fog isla markaana lagu qarxiyey ciidamo ku sugnaa daash ka sameysan qoryo.

“Waxaan arkay sadex sarkaal oo dharkoodu uu ku haleysnaa dhiig waxaa lagu qaaday baabuur ay leeyihiin booliska, waxa kale oo la saaray gaariga askari kale oo mar hore ay nafta ka baxday,” sidaa waxa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Ibrahim Isaaq oo ka mid ah dadka deegaanka.

Qaraxa kale ayaa ka dhacay magaalada Wajeer oo iyana ka mid ah gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, qarxaasi waxaa lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay lahaayeen ciidamada milatariga.

Maxamed Cumar oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in baabuurki ugu horeeyey kolonyada oo ahaa Jiib ay la kacday miinada iyadoo ay ku dhaawacmeen sagaal askari oo saarnaa gaarigaasi.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Waqooyi Bari Leo Nyongesa ayaa ku eedeeyey qaraxyadi maanta xarakada Al Shabab.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabab oo ay ku sheegatay weeraradaasi.

Gabdho soomaliyeey

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com