Faah faahin kasoo baxday qaraxi xalay lagu weeraray Nairobi


Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxday qarax xalay lagu weeraray goob laga raco basaska oo ku taala bartamaha magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Shan ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerarkaasi oo loo adeegsaday bambo gacmeed halka ay ku dhaawacmeen daraasiin dad ah sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka booliska iyo goobaha caafimaadka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in lagu tuuray baabuur bas ah sadex bambo gacmeed xilli uu goynayey wadada bosteejada Machakos ee basaska laga raaco.

Booliska ayaa ku eedeeyey weerarkaasi kooxda mintidiinta ah ee ka dagaalanta Soomaaliya ee Al Shabaab, waxaana weerarkani uu la mid yahay kii ka dhacay bishi October isla markaana Niarobi kaasi oo loo adeegsaday bambooyin.

Afhayeenka booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen canaasir ka tirsan Al Shabab, isaga oo ku tilmaamay weerar fulaynimo ah.

Waxa kale oo uu dheegay in aysan joojin doonin dagaalka ay kula jiraan Shabaab oo xoogiisa ka dhaca koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Jubada Hoose.

Al Shabaab ayaa weeraro dhowr ah oo kala duwanaa ka geystay Kenya kuwaasi oo ay xoojiyeen marki ay Kenyanka soo galeen carada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.