Faah faahin kasoo baxday qaraxi Beledwene

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qaraxi ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay magaalada Beledwene.

Qaraxa oo ay sheegteen Al Shabab ayaa la sheegayaa in uu sababay dhimashada 3 ka mid ah ciidamada Itoobiya oo xiligaasi ilaalo ka hayey xarunta gobolka ee maagalaada Beledweyne, sidoo kale waxaa ku dhintay qofka is miidaamiyey oo ahaa nin watay gaari ay ka buuxeen walxaha qarxa.

Ila wareedyo ku dhaw dhaw saraakiisha dowlada ee ku sugan Beledweyne ayaa inoo xaqiijiyey in ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa afaafka hore ee xarunta maamulka gobolka.

Al Shabab ayaa iyana sheegay in ay ku dileen qaraxa askar Itoobiyaan ah oo xiligaasi saf ku jirtay sida ay hadalka u dhigeen.

Xaalada magaalada ayaa haatan u muuqaneysa mid dagan kadib marki ay maamulka la magac baxay Dooxada Shabelle ku dhawaaqeen bandoow.

Waxaa wali xiran goobaha ganacsiga iyo suuqyada magaalada, sidoo kale lama furin saakay iskuulada magaalada.

Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal uga qabsaday magaalada Beledweyne ururka Al Shabab dhamaadka sanadki aanu kasoo gudubnay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.