Faah faahin kasoo baxday qaraxi Balcad

Lix caruur ah ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray marki ay miino kula qaraxday Duqgsi Qur,aan ku yaala degmada Balcad.

Qaraxa ayaa ka danbeeyey marki ay caruurta garaaceen miino nooca anti-taangi ah oo ay ka heleen gudaha dugsiga kadibna ay sidaasi ku qaraxday.

Taliyaha ciidanka nabadsugida Gobolka Shabeelaha Dhexe, C/wali Maxamed oo ka hadlay falkaasi ayaa sheegay in qaraxa ay ku tuhmayaan miino dugsiga dhulkiisa ku jirtay ka hor inta aanan la dhisin.

Wuxuu sheegay in ardaydi ku dhaawacantay loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, isaga oo intaasi raaciyey in ay baari doonaan sida ay wax u dhaceen.

Miinooyinka haraadiga ah ayaa ah qatarta ugu weyn ee soo wajahda deegaanta, waxaana sanadihi lasoo dhaafay ay dishay caruur badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here