Faah faahin kasoo baxday qarax ka dhacay Xamar Weyne

War sugan ayaa kasoo baxay qarax dhawaan ka dhacay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joog ah oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in qaraxa uusan aheyn ismiidaamin balse uu ahaa gaari uu lahaa nin xildhibaan ah oo lagu rakibay miino xilli uu yaalay meel baarkin ah.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu ku dhintay qaraxa xildhibaanki lahaa gaariga inkastoo warkaasi uu yahay mid aysan xaqiijin saraakiisha ciidanka.

Baabuurka ayaa marki la qarxinayey yaalay afaafka hore ee  hotelka Al Qaliij oo ku yaala dhabarka danbe ee Bacadlihi Xamarweyne.

Maalmihi lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey warar sheegaya in Muqdisho la keenay miinooyin ka duwan kuwi hore loo arki jiray kuwaas oo la agdhigayo baabuur ama si fudud loogu xiri karo marka qofka uu maqanyahay.

Ilaa iyo 5 ruux oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here