Faah faahin kasoo baxday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo iyo Shabab oo sheegtay

Laba ruux ayaa ku geeriyootay ugu yaraan 5 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki qof naftiis hure ah oo isku qarxiyey afaafka hore ee saldhig ay ciidanka dowlada ku leeyihiin magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa ka danbeeyey marki qof u muuqday inuu rayid ahaa uu tagay saldhig ku yaala Baydhabo, hase yeeshee marki ay rasaas ku rideen ilaalada uu is qarxiyey sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Isla goobta ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo kala ahaa qofki is qarxiyey iyo askari ka tirsan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Bay C/fataax Geeseey ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan sida uu qaraxu ku dhacay, iyadoo amaanka goobta la weeraray ay sugayaan ciidamo Itoobiyaan ah.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada qaraxa, iyada oo sheegtay in ay ku disheen ciidamo fara badan oo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali.

Waa qaraxi labaad oo ka dhacaya Baydhabo mudo laba asbuuc gudahood ah, todobaadki hore ayaa waxaa qarax lagu weeraray Suuqa Qudaarta, waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.