Faah faahin kasoo baxday nin British ah oo maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Faah faahin rasmi ah ayaa kasoo baxday nin British ah oo maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho kaasi oo dalka kusoo galay fiiso la,aan.

Ninkaan oo ah 45-jir madow ah ayaa waxa qabtay ciidanka nabad sugida waxaana loogaga shakisanyahay inuu rabay inuu ku biiro Al Shabaab oo dhawaan la midoowday ururka Al Qacida.

Saraakiisha amaanka ayaa ninkani ku sheegay magaciisa Danis Cris, waxaana ay sheegayaan in marki ay weydiiyeen halki uu ku socday uu u sheegay inuu rabay inuu tago magaalada Kismaayo si halkaasi uu ugu soo barto Diinta Islaamka.

Wariye ka tirsan Radio Muqdisho oo wareystay ninkan ayaa sheegay in muuqaalkiisa uu ahaa nin dhagaha u durnaayeen, isala markaana watay qalab isugu jiray (Xargaha dadka lagu ceejiyo, biinsooyin, middiyo, kashawiitooyin, baasaboor British ah iyo Credit Card).

Wariyahan ayaa sidoo kale sheegay in ninkan laga shakisanyahay in uu weydiiyey waqtiga uu soo islaamay isaga oo tilmaamay Mr Cris inuu mudo sanado ahba ahaa Muslim, laakin wariyaha ayaa sheegay in ninka uu uga jawaabi waayey aayado qur,aan oo uu weydiiyey xitaa Bisinka oo uu garan waayey.

Taliyaha Waaxda Danbi Baarista Booliska, C/laahi Xasan Bariise ayaa u sheegay wariyaasha in ay baarayaan ninkan, isla markaana dib kasoo sheegi doonaan waxa uu yahay iyo halka uu ku sii jeeday.

Afhayeen u hadlay Xafiiska  Arrimaha Dibada ee Ingiriiska ayaa sheegay in ay ka war qabaan ninkan Soomaaliya lagu xiray isla markaana ay si hoose ula socon doonaan arrintaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.