Faah faahin kasoo baxday duqeynti cirka ee deegaanka Hosingo

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxday duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya shalay galab ka gesyteen deegaanka Hoosingo oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Duqeymaha oo laba jeer ay ku bambeeyeen laba diyaaradood oo nooca miiga ah xaafadaha iyo suuqa deegaankaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo rayid ah.

Xalay wararki aan ka helnay waxaan ku sheegnay 11 ruux, hase yeeshee wararki ugu danbeeyey saakay waxay sheegayaan in tirada ay hada mareyso 12 ruux, dhaawacyada ayaa ahaa 21 shalay galab, hase ahaatee waxaa soo baxay dad kale oo dhaawac ah waxaana ay tirada hada caga cageyneysaa 38 ruux oo rayid ah oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Al Shabab ayaa ka hadlay weerarka, waxaa ay ku eedeeyeen Kenyanka in ay laayeen dad rayid ah isla markaana ay uga dadka dhintay u aar gudi doonaa.

Kenya wali kama aysan hadlin weerarkaasi oo ka dhacay tuulada Hoosingoo oo 160-km u jirto magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.