Faah faahin kasoo baxday dagaalo ka dhacay Ceel-lahelay iyo Ceelqooxle

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaalo qasaara geystay oo shalay ka dhacay Ceelqooxle iyo Ceel-lahelay, iyadoo mas,uuliyiinta Ahlu Suna iyo Al Shabaab oo guul ka kala sheegteen.

Dagaalada ayaa ka danbeeyey kadib marki ay Ahlu Sunna weerartay deegaadaasi oo fariisimo ku lahaayeen xarakada Al Shabaab, waxaana labada dhinac kasoo gaaray qasaaro.

Madaxa fulinta Ahlu Sunna Yuusuf Maxamed Xeefoow ayaa sheegay in dagaalki shalay ee ka dhacay Ceellahelay iyo Ceelqooxle ay ku dileen ilaa iyo 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

“Howlgal baa shalay ka dhacay deegaanadaasi marka nimanki Khawaarijta ahaa ayaan ka sifeynay Ceel-lahelay iyo Ceelqooxle, waxaan ka dilnay 10 ruux anagana 3 ayaa naga dhaawacantay,” ayuu yiri.

Dhanka kale Afhayeenka Al Shabaab, C/casiis Abu Muscab ayaa isna sheegay in ay dileen 20 dagaalyahan  oo ka tirsan Ahlu Sunna oo uu ku jiray sarkaal uu magaciisa ku sheegay Axmed Fareey isla markaana ka qabsadeen gaadiid dagaal.

Ahlu Sunna ayaa dhawaan ka qabsatay Al Shabaab deegaano muhiim ah sida magaalada Ceelbuur oo aheyd caasimada Al Shabaab ee gobolka Galguduud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.