Faah faahin kasoo baxday dagaalki Caabudwaaq

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday dagaal maqribki caawa ka bilowday magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Dagaalka oo ilaa caawa 9:00 fiidnimo soo gaaray ayaa u dhaxeeyo ciidamo daacad u ah xildhibaan Cabdifutaax Saacid iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

Inta la ogyahay shan ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalada, halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray tiro intaasi ka badan oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadi dagaalamay.

Wali waxaa go,an isgaarsiinta magaalada oo la jaray galabta shanti galabnimo, waxaana xogta ugu dhaw dagaaladaasi laga helayaa degmooyinka Xeraale iyo Balanbal.

Sababaha keenay dagaalka waxaa lagu sheegay xildhibaan C/fataax oo ay Ahlu Suna uga shakiyeen in uu dhaq dhaqaaq maamul sameyn ah ka waday Caabudwaaq.

Maanta ayaa hadal kasoo baxay Ahlu Suna waxaa amar lagu siiyey dhamaan siyaasiyiinta ka tirsan dowlada ee jooga halkaasi in ay ka baxaan, sidoo kalana aysan soo gali karin amar la’aan.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.