Faah faahin kasoo baxday ciidamadi Jabuuti ee Muqdisho soo gaaray

Tafaasiil ayaan ka helnay ciidamadi Jabuuti ee duhurnimadi maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo gaaraya boqolaal ayaa waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Dr C/wali Maxamed Cali, wasiirka caafimaadka, wasiirka warfaafinta, wasiirka ganacsiga, taliyaha ciidamada xooga dalka Jabuuti generaal Zakariye Sheekh Ibraahi, taliyaasha Amisom, iyo taliska ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa wali saaran diyaarada waxaana socdo is mari waa ku aadan halka la dajin lahaa, waxaa la filayaa in ay kasoo dagaan diyaarada daqiiqadaha soo aadan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa  lagu wadaa in uu halkaasi qudbad soo dhaweyn ah ka jeediyo iyo sidoo kale taliyaha ciidamada xooga dalka Jabuuti generaal Zakariye.

Warar soo baxayo waxay sheegayaan ciidamadaan oo hor dhac u ah ciidamo gaaraya hal cutub oo ay Jabuuti soo direyso in ay ilaalin doonaan garoonka diyaaradaha, dekada iyo madaxtooyada maadaama iyaga ay ku hadlaan luqada Soomaaliga.

wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.