Faah faahin kasoo baxaysa dagaalkii saakay iyo guusha ciidamada Dowladda.

Faah faahin dheeri ah ay kasoo baxeyso weeraradii qorsheysnaa ee ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku qaadeen degmada Hurwaa ee gobolka Banaadir, halkaasi oo intii harsaneyd ee Maliishiyada Shabaab kaga sugnaayeen lagala wareegay.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo labo jiho ka weeraray Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Xerada Maslax ayaa u suuragashay iney qabsadaan guud ahaan Suuqa Xoolaha, waxaana wararku sheegayaan in kooxo yar oo Shabaab ka tirsan ay go’doon ku yihiin dhinaca koonfureed ee Suuqa Xoolaha.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ayaana la wareegay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Xaafada Dibida iyo Xerada Maslax oo dhamaan katirsan Degmada hiliwaa horeyna ugu sugnaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada koowaad ee Ciidanka Milatariga Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dagaalka guulo ka gaareen Al-Shabaab-na gaarsiiyeen Qasaarooyin xoogan iminkana kusuganyihiin goobihii ee kala wareegeen Al-Shabaab sida Xerada Maslax oo kutaal Xadka Banaadir iyo Shabeelaha Dhaxe.

Dhinaca Al-Shabaab wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Dagaalada kasocda Degmada Hiliwaa iyo saldhigyada looga qabsaday waxaasa la filiyaa in saacadaha soo aadan war kasoo saaraan.

Warar soo baxyaa ayaa sheegaya in Maliishiyadii fariisinka u ahaa qaarkood ay ku sugan yihiin dhulka Hoodka ee dhinaca Caliyaale iyo Ceel Cirfiid oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Xafiiska Wararka ee Midnimo.com