Faah-faahin kasoo baxaysa dagaal xalay kadhacay degmada Xudur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay akdhacay degmada xudur, dagaalkan ayaa waxa uu udhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee kusugan halkaas iyo Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay Al-shabaab weerar kusooq aadeen degmada Xudur oo ay doonayeen ineey qabsadaan balse waxaa dagaal aad u adag kala hor yimid ciidamada Itoobiya.

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka uu socday mudo saacado ah islamrkaasna laysku adeegsaday hubka cul culus, waxaana jira qasaaro soo kala gaaray labada dhinac.

Ilo madax banana ayaa sheegaya in dhimashada labada dhinac ay gaareeyso 13 ruux.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in saakay ay tahay xaalada mid dagan, waxaana degmada Xudur gacanta ku haayo ciidamada doowlada Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here