Faah-faahin kasoo baxaysa askar maanta lagu dilay magaalada Garissa

Niman hubeeysan ayaa maanta duhurkii 3 askari oo katirsan ciidamada milatariga wadanka Kenya waxay ku dileen magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari, waana markii labaad mudo 4 maalmood gudahooda ah oo deeganadaas lagu dilay rag katirsan ciidamada amaanka Kenya.

Jimcihii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii labo katirsan ciidamada Booliska Kenya lagu dilay gudaha magaalada Gaarisa.

Askartan maanta ladilay ayaa markii la tooganayay waxay ku suganaayeen goob gawaarida lagu hagaajiyo oo ay ka samaysanayeen taayaro ka halaabay, dilkan ayaa waxaa gaystay dableey aan heebtooda lagaran islamarkaasna aan gacanta lagu soo dhigin.

Meydadka askartaan ayaa isla markiiba waxaa loo qaaday qolka meydadka lagu keydiyo ee isbtitaalka guud magalada Garissa.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in markii uu dilkaan dhacayay ay goobta ka ag dhowaayeen askar kaloo katirsan ciidanka milatariga Kenya, kuwaasoo si toos ah u arkayay kooxda dilka gaysanaysay, waxayna awoodi waayeen ineey qabtaan ama xabadeeyaan oo iyagaaba ubaqay naftooda.

Sitimaankaan oo kaliya magaalada Garissa waxaa lagu dilay 5 katirsan ciidamada Kenya mana jirto ilaa iyo hada dad loo soo qabqabtay falalkaas, waxaana jirta eedeeymo loo soo jeedinayo ciidamada Booliska iyo habacsanaan xaga shaqadooda ah.

Howlgalo ka bilaawday Garissa:

Kadib markii maanta ladilay 3da askari ee katirsan ciidamada milatariga, ayaa dadka kunool meesha uu dilka kadhacay waxay bilaabeen ineey isaga cararaan halkaas iyagoona ka cabsi qaba in ciidamada amaanka ay qabqabasho iyo jir dilba ku sameeyaan.

Ciidamada milatariga oo xaruumo farabadan kuleh magaalada Garissa ayaa waxaa lasoo sheegayaa ineey durbaba halkaas ka bilaabeen howlgalo guri guri ah, iyagoona jir dil iyo qab qabasho ku bilaabay dadka Soomaalida ah ee dagan halkaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here