Faah faahin kasoo baxay dagaalo shalay galab ka dhacay Jubada Hoose

Faah faahin ayaa kasoo baxeyso dagaal culus oo shalay ciidamada Huwanta ee Isgabarabsanaya iyo Xarakada Al Shabab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Jubada Hoose.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa guulo ka sheegtay dagaalki ka dhacay Birta-Dheer iyo tuulooyinka hoos yimaada, iyadoona qasaaraha dhimashada dagaalka lagu sheegay afar ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawaca lix kale.

Saraakiisha ciidamada Dowlada ayaa sheegay in ay dileen lix dagalayahan oo ka tirsan Al Shabab, halka Al Shabab ay iyaguna sheegteen in ay iska difaaceen weerarki uga yimid ciidamada Dowlada, AMISOM iyo Raaskambooni.

Xaalada ayaa saakay yara xasiloon inkastoo laga yaabo in dagaalka uu sii socdo maadaama ay ciiddamada iskaashaanaya duulaan ku yihiin magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here