Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Gedo

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay duqeymo shalay gallinkii ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Afhayeenka gobolka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Aadan Axmed Xirsi Rufle oo waraysi siinaay warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay duqeymo Ciidamadooda iyo kuwa Kenya ay ka geysteen deegaanno iyo degmooyin ku yaalla gobolkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al Shabaab.

Aadan Axmed ayaa sheegay in duqeymaha laga geystay Degmada Baardheere iyo Tuulo ku taalla gobolka Gedo, halkaasi oo ay Xarumo ku lahaayeen Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay inay kaga dileen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Aadan Axmed Xirsi Rufle ayaa waxa uu intaasi ku daray in AL Shabaab ay ku guul dareysteen dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaali ah ay duqeymo ka gaystaan deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here