Faah-faahin iyo Sawiro & Codad weeraradii maanta Muqdisho ka dhacay

Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay, kadib markii maanta laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay afaafka hore ee Maxkamada gobolka Banaadir, sidoo kale kooxo gaaraya 9 oo watay qoryaha fud fudu ayaa gudaha ugalay dhismaha Maxkamada, kahor inteeysan hareereyn Ciidamada amaanka doowlada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa jiray weerar is miidaamin ahaa oo agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho lagula eegtay gaari ay saarnaayeen qaar kamid ah shaqaalaha hay’ada bisha Cas, ee Turkiga, waxaana la sheegay in halkaas ay ku geeriyooden labo kamid ah shaqaalaha Turkiga, halka 4 kale oo Soomaali ah kana tirsan hay’ada bisha Cas ay iyana ku geeriyoodeen qaraxa.

Al-shabaab oo warbaahintooda ku qoray ineey leeyihiin masuuliyada weerarka:

Kooxda al-Shabaab ee la mideysan Shabakada al-Qaacida ayaa sheegtey masuuliyadda weerarkan, waxaana bogga ay ku leeyihiin Twitterka ee ay aalaaba ku sooo gudbiyaan fariimahooda ku sheegeen in ay maanta qaadeen weerar ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamo boqolaal gaaraya oo dowladda ka tirsan ay ku sugnaayeen Dhismaha hortiisa isla markaana Mujaahidiintooda ay u suurta gashey in la wareegaan dhismahaas kana dagaalamaan muddo 2 saac ah.

Al-Shabaab waxay sheegteen in ay kaga dhimatey weerarkaas 5 ka mid ah Ciidankoda, isla markaana ay dileen 27 kamid ah Dowladda oo ay ku jiraan Saraakiil sar-sare.

“Waxay ahaayeen 7 nin oo ku hubeysan hubka fud fudud, waxay u labisanaayeen sida Ciidanka doowlada, waxaanba u maleeynay ineey yihiin Ciidanka doowlada Soomaaliya” sidaa waxaa yiri Aadan Sabdoow, oo kamid ah shaqaalaha Maxkamada gobolka.

Sabdoow, ayaa intaas ku daray in masuuliyiin farabadan oo doowlada kamid ah ay ku sugnaayeen dhismaha maxkamada xiliga uu weerarka dhacayay, kuwaasoo maalmahaan halkas howlo u joogay.

“Rag hubeysan ayaa gudaha usoo galay maxkamada, waxyar kadibna waxaan maqalnay qarax weyn, intaas kadibna waxaa bilaawday rasaas Xoogan oo ay ku furayeen dadkii ku sugnaa gudaha Maxkamada” sidaa waxaa yiri Xuseen oo kamid ah shaqalaha Maxkamada.

Ciidamada doowlada, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taba baran ayaa goobta soo gaaray iyagoona isku gadaamay dhismaha Maxkamada, waxaana dhowr saacadood socday rasaas Xoogan oo ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Wariye ka tirsan Midnimo.com, oo gaaray xaruunta dhismaha Maxkamadagobolka, xiligii uu iska hor’imaadka socday, ayaa sheegaya in indhihiisa ay qabanayeen 16 qof oo meyd ah, kuwaasoo qaarkood ay wateen dareeska Ciidanka, halka kuwo kalena ay wateen dharka shibilka,lamana kala cadeyn karo in ay ahaayeen Ciidanka doowlada iyo kuwii weerarka sooq aaday.

Halkaan ka dhagayso wareeysiga Taliyaha amniga G/banaadir:  powerpress: url=”

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/04/taliyaha-amniga-mgb-2.mp3″]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa isla maanta ku soo laabtey Muqdisho waxaana lagu soo dhaweeyey weerar ka dhacay meel aan waxbadan ka fogeyn hoygiisa, iyada oo xaruntii lagu tilmaamey Garsoorka muddo laba saac ah ay ahayd goob dagaal oo aan fooda la gelin karin, Madaxweynaha oo bayaan ka soo saarey ayaa ku tilmaamey weerarka mid fuleynimo oo oo aan waxba u dhimi karin isla markaana muujinaya jabka kooxda al-Shabaab, ma ahan arrin la yaableh bayaan caynkan oo kale ah in uu soo baxo, waxaana la is weydiinayaa sida aysan waxba uga dhimeyn qof loo digey oo maanta caasimadiisi ahayd goob dagaal.

Inta la ogyahay 22 qof ayaa ku dhimatey, kuwaas oo ay qaadeen gawaarida gar-gaarka deg-dega ah, waxaana ka mid ahaa laba qareen oo caan ku noqdey Kiiskii Kufsiga iyo weriye Cabdicasiis Koronto kuwaas oo la kala yiraahdo Dr. Maxamed Maxamuud Afrax iyo Dr. Cabdikariim Xassan Gorod.

Sidoo kale waxaa ku dhintey Afhayeenkii Maxkamadda Sare Mohamed Hassan Xabeeb oo ka mid ahaan jirey Shaqaalihii Radio Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingriiska ayaa  taariikhdu markey ahayd 5 Abril ka digtay khatar kusoo food leh magaalada Muqdisho,  taas oo kooxaha argagixisadu maleegayaan, waxay diigniintu ku socotey dadka u dhashey Britian in ay deg-deg uga soo baxaan Muqdisho maadaama weerarka kooxahaasi ay damacsan yihiin uu joogo heer dhamaad ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

2 COMMENTS

  1. Mr. Gurguurte if he truly and really cares about Somalia he have to go after Godane and stop entertaining his Boss the blood thirsty Siilaanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here