Faah faahin Hordhac ah qaraxyo ka dhacay Baydhabo

Breaking-News53-300x168Warar hordhac ah ayaa waxay sheegayaan in qaraxyo Ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay Magaalada Baydhabo iyadoona dad badan ay ku le’deen qaraxyadaasi.

Qof lagu kalsoon yahay oo ka ak dhawaa meesha qaraxa uu ka dhacay waxa uu sheegay in maqaayad dadka ku shaahaan oo ku taalla agagaarka Xarunta Shirkada Dahabshiil ee Baydhabo.

Dadka aan la hadalnay waxay ahaayeen kuwo naxsan oo warka ay sheegayaan ay taramaareenayaan hase-ahaatee dadka qaar ayaa sheegayaan in qof ismiidaamiyey iyo gaari is qarxiyey.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhimashada ay kudhaw dahay 20 qof waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 30 ruux waxaana dadka dhintay ku jira Wariyeyaal,odayaal dhaqameed iyo Xubno katirsan Maamulka Lixda Gobol ee K/Galbeed Soomaaliya.

Wixii kasoo kordho insha allah iyo wareysiyo aan raadineyno dib ayaad ka maqli doontaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here