Faah faahin: Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

ASTAANTA-BASTOOLADAGanacsade lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Warshiikh ayaa Ciidan la sheegay inay katirsan yihiin dawlada Soomaaliya waxay dileen ganacsadahaasi.

Ciidanka dilka geystay ayaa waxa wararka qaar ay sheegayaan in ay ka amar qaataan Guddoomiye ku xigeenka Maamulka degmada Yaaqshiid inkastoo weli war rasmi ah kasoo bixin mas’uulka la Eedeeyey.

Marxuum Ganacsade Cumar Warshiikh ayaa xilliga la tooganayey waxa la socday sida la sheegay haweeney xaaskiisa aheyd taasi warar la isla dhexmarayo ay tibaaxayaan in ay dhaawacantay.

Ilaa hadda ma jirto waxyaabaha keenay dilka Ganacsadahaasi oo caan ka ahaa Magaalada Muqdisho xarumo ganacsina ku lahaa Suuqa Labaad ee Somaliya ugu weyn Suuq Bacaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here