Faah Faahin Dheeraad ah oo Laga Helayo Qaraxyadii Xalay ka Dhacay Islii Nairobi

Ciidamada amaanka Booliiska Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen ruux looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay qaraxyadii xalay ka dhacay meel u dhow Supermarket ku yaala Xaafada Islii gaar ahaan meel aan sidaasi ug fogeyn Garoonka Ciidamada Cirka Kenya.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ku jiro Ninka looga shakisan yahay inuu geystay qaraxa , waxaana dhaawacayada loola cararay Cisbitaalada Magaalada Nairobi.

Qaar ka tirsan Goob Joogayaal ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen sadex Nin oo labo ka mid ah ay banaanka istaageen , halka hal midna uu gudaha u galay Super Market ka , waxaana kadib dhacay qaraxyadan xoogan.

Aafyeenka Booliiska Nairobi Ombati ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan nin looga shakiyay inuu ka dambeeyo qaraxyadii caawi , waxaana uu afayeenka ku sheegay in ninkan uu yahay Kenyan.

” waxaan rumaysanahay in la bartilmaameedsanayay Super-market-ka laakiin qofka aan qabanay waxaa uu inoo sheegay waxyaabo intaas ka badan ” ayuu shegay Afhayeenka Booliska Nairobi Ombati.

Ninka madowga ah ee gacanta lagu dhigay ayaa neefta ka fujiyay soomaali badan o qaxooti ku ah Nairobi , kuwaasoo loo saaro qarax kasta oo ka dhaca Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here