Faah Faahin Dheeraad ah Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray xoogag ka tirsan Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dagaalka waxaa uu ku bilowday Madaafiic iyo Rasaas xoogan , waxaana dagaalka soo qaaday Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab , iyagoo weerarka ku qaaday Baar Alnasri 3 oo ku yaala Ceelasha Biyaha , waxaana goobta la weeraray fariisin u tahay Ciidamada Dowlada.

Ciidamada Dowlada oo weerarka aan filaneynin ayaa ka badin waayay isdifaaca , iyagoo ku aruuray xarunta gudaheeda , waxaana xoogaga alshabaab ay xalay ahaayeen kuwo weerarka soo qorsheeyay.

Inta la xaqiijiyay 7  ayaa ku dhimatay dagaalkii xalay , waxayna gabi ahaanba ahaayeen dhinacyadii dagaalamayay, halka dhaawacuna uu ahaa 6 ka kala tirsan Dowlada iyo Shabaab.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo kala baxay dhinacyada dagaalamay ee Alshabaab iyo Dowlada Soomaaliya , waxaana socda baaritaano ay saaka wadaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ayaa mar hore ku dhawaaqay inay sifeeyeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose , iyagoo ku faanay inaysan jiri doonin ciidamo wadada loo galo , balse waxaa warkaasi beeniyay dagaalkii cuslaa ee xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha oo ka tirsan Deegaanada ku yaala Duleedka Caasimada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here