Faah-Faahin DF Somalia oo la wareegtay gacan ku haynta Mahadaay

Ciidan2Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay maanta gacanta ku dhigeen degmada Mahadaay halkaas oo in muddo ay ka arriminaayeen ururka Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si nabad galyo leh oo aan dagaal ku dhicin ay gacanta ku dhigeen degmada.

Dad ku sugan Mahaddaay oo warbaahinta la hadlay ayaau sheegay in ciidanka dowladda ay la wareegeen magaalada iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxday magaalada kaddib markii ay ka war heshay in lagu soo wajahan yahay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan mar uu booqday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe wuxuu sheegay in ciidanka dowladda ay dib u billaabi doonaan howlgallada al-Shabaab looga saarayo meelaha ay kaga sugan tahay dalka.

Magaalada Mahadaay ee waa magaalo muhiim ah, waxaana ku dhashay madaxweynihii ugu dambeeyay ee dowladdii KMG ah Shariif Sheekh Axmed.

Magaalada tan iyo bartamihii 2011 waxaa  gacanta ku hayay ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here