Faah-Faahin: Dagaalo Khasaaro badan sababay oo maanta ka dhacay Gedo

al-shabaabDagaallo ayaa maanta ka dhacay tuulo u dhow magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo kuwaasi oo ay ka dhasheen khasaarahe dhinaca nafta ah.

Ciidanka Dowladda ayaa xilliga dagaalka uu dhacaayay waxa ay ku guda jireen howlgalo ka dhan ah Shabaab oo ay ka wadeen duleedka deegaanka Suraya.

Guddoomiye ku xigenka dhanka arimaha Bulshada Degmada Buurdhuubo C/raxmaan Cali Guuled, ayaa sheegay dagaalkaasi in Khasaare lagu gaarsiiyay Shabaabka.

Wuxuu sheegay Afar ruux dhankooda inay ka dhaawacmeen, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaadayo Magaalada Baydhabo.

Deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa gacanta ku haayo Ciidamada Shabaabka, inkastoo Saraakiisha ay sheegeen inay isku diyaarinayaan qaadista dagaal rogaal celis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here