Faah faahin: Dacwadii Wariyeyaasha Shabelle oo la dhageystay

ShabelleTV_Logo1

Waxaa maanta maxkamada Gobolka Banaadir horyimid Wariyeyaal uxiran Dawlada Soomaaliya iyadoona la dhageystay dacwad loo heystay wariyeyaashaasi.

Markii la guda galay dhageysiga dacwada ayaa waxa halkaasi xaadir ku ahaa Malkiilaha Idaacadaha Shabelle iyo Sky Fm C/maalik Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan.

Wariye ka shaqeeya Idaacad ku taalla Muqdisho oo Maxkamada kusugan ayaa usheegay Midnimo.com in si damiin ah loo sii deyn karo Axmed Cabdi Xasan iyo C/maalik Yuusuf inkastoo aan lasii deyn oo Xabsiga lagu celiyey.

Waxaana la ogeyn sababta keentay in maanta aan maxkamada la keenin horteeda Wariye Maxamed Bashiir Xaashi iyo Maxamuud Carab oo iyaguna kiis dawlada Soomaaliya ka dhan ah lagu Eedeeyey.

Weli Maxkamada ayaa la joogaa oo faah faahino badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here