Faah faahin: ciidamo ka wada tirsan DFS oo Baydhabo ku dagaalamay

dagaal-098Faah faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya, dagaal bartamaha magaalada Baydhabo ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Milatariga, kuwaasoo sida la sheegay kala taabacsan qolyaha maalmahan shirarka iska soo horjeedo ku lahaa halkaas.

Dagaalka ayaa  xoogiisa ka dhacay saldhiga booliska ee loo yaqaano saldhiga Bari, halkaasoo rasaastaay ka qaraxday.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka, oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii booliska ee gobolka Baay kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyey Col Kurtun.

Rasaasta ayaa joogsatay qadar ka dib markii ay ciidamada AMISOM goobta yimaadeen.

Waxaa xusid mudan in dagaalka uu yimid iyadoo maanta gelinkii hore ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ee ku sugan Baydhabo ay joojiyeen bannaanbax lagu taageerayey Madoobe Nuunow Maxamed oo Isniintii loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here