Faah-Faahin: Barakac ka billowday Ceelbuur

U.S. drone strike in Somalia kills al-Shabab militant
U.S. drone strike in Somalia kills al-Shabab militant

Dadka shacabka ah ayaa billaabay inay ka barakacaan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ay sidaas ku amartay maleeshiyada al-Shabaab oo ka war heshay inay halkaas ku soo fool-leeyihiin ciidamada AMISOM.

Horjoogeyaal ka tirsan al-Shabaab ayaa dadka ku armay inay magaalada banneeyaan, ciddii ka dhaga adeegtana ay ula dhaqmi doonaan sida kuwa ay la dagaallamayaan.

Qoysas u badan haween iyo carruur oo ka barakacay Ceelbuur ayaa gaaray deegaannada Jacar, Bargaan, Ceel-shiil iyo Ceel-qooxle, sida uu Bar-kulan u sheegay Cabdi Xasan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha maamulka Ahlu Sunna wal-Jamaaca.

Cabdi Xasan ayaa sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay ku sii jeedaan Ceelbuur, wuxuuna ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM inay dib ugu soo celiyaan dadka shacabka ee laga saaray magaalada, si loo soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta.

Al-Shabaab ayaa dagaalyahannadooda ka saaray Ceelbuur, marka laga reebo in yar, waxayna ka bixitaankooda timid markii ay ka war-heleen in ciidamada Ethiopia oo AMISOM ka tirsan ay ku fool-leeyihiin magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here