Faah-faahin: Askari lagu dilay Kismaayo

Askari lagu dilay Kismaayo
Askari lagu dilay Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas xaley lagu dilay askari ka tirsan maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe.

Sida ay le yihiin dadka deeganka askariga ayaa lagu dilay xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo kaddibna kooxda dilka geestay ayaa baxsaday.

Lama oga cidda ka dambaysay dilka askariga iyo sababta loo dilay, balse waxaa jira howlgallo ay ilaa xalay ciidamadu ka samaynayeen xaafadda uu dilka ka dhacay.

Howlgallada ciidanka waxaa lagu soo qabtay dad badan sida uu ku soo warramayo weriyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka oo ku aaddan dilka askariga.

Habeen ka hor ayaa nin ganacsade ahaa lagu dilay Kismaayo, iyadoo lagu dhaawacay qof rayid ah oo ka og dhowaa halka lagu dilay ganacsadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here