Faah-Faahin: Al-shabaab oo qabsatay magaalada Afgooye

al-shabaabDagaal culus ayaa ka socda degmada Afgooye oo 30 km dhinaca konfureed uga beegan caasimadda Muqdisho. Dagaalamayaasha Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay gudaha u galeen magaalada.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhig ay daganaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya. Dabley aad u hubaysan ayaa markaa dabadeed weeraray dhawr saldhig oo ay ciidamadu fadhiyeen.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da us heegay in dad abdan oo ay ku jiraan ciidammada dowladda ay ku dhaawacmeen dagaalka

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalamayaashooda ay la wareegeen magaalada, balse maamulka degmada ayaa BBC-da u sheegay in wali dagaaladu ay socdaan.

Saldhig ay leeyihiin ciidammada Midowag Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale la weeraray

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aden ayaa BBC-da u sheegay in dagaal dhawr jiho ah lagu soo qaaday degmada Afgooye isla markaana uu dagaalkaasi xoogiisu hadda ka socdo xarunta degmada iyo saldhiga booliska.

Al-Shabaab dhankooda waxa ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan dhamaan saldhigyadii ciidamada dawladda ee Afgooye.

Warar madax banaan oo aan heleyno ayaa xaqiijinaya in al-shabaab ay guud ahaanba la wareegeen magaalada.

Ciidammada Midowga Afrika ayaa ka saarray magaaldaasi Kooxda Shabaab sanaddii 2012-ka.

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here