Faah faahi: Taliye Ciidan oo lagu dilay Magaalada Beladweyne

ASTAANTA-BASTOOLADA

Kooxo hubeysan ayaa waxay xalay fiidkii Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku dileen Sargaal katirsanaa Ciidanka Dawlada Somaliya ee kusugnaa Gobolkaasi.

Marxuumka la dilay waxa lagu magacaabi jiray Macalin Aadan waxaana uu ahaa Taliye Ciidan oo Guutooyink hogaamin jiray Askarta Dawlada ee kusugan Gobolka Hiiraan.

Dabley ku hubeysan Bistoolado ayaa dilay Taliyaha iyagoo kadibna goobta iskaga cararay waxaana meesha dilka laga fuliyey daqiiqado kadib gaaray ciidan katirsan Dawlada oo baaritaano sameeyey inkastoo aan lasoo sheegin dad ay soo qab qabteen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Taliyaha la dilay uu ahaa Mas’uulkii Xukumayey ciidanka Dawlada ee kusugan Deegaanka Buq goosaar ee Isla gobolka Hiiraan.

Maamulka Dawlada ee Gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin dilka Taliyahaasi loogeystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here