Faafaahin Dheeraad ah oo ka Soo Baxaysa Dagaalka ka Dhacay Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaarayo deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya iyo Al-Shabaab,waxaana dagaalka uu sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degmada Balcad halkaasi ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar xoogan ku soo qaadeen fariisin ciidamada Huwanta ay ay ku lahaayeen duleedka Balcad,

Wararka dagaalka laga helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubub culculus oo laga maqlayay goobo fog fog,ilaa iyo iminka lama xaqiijin karo qasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana xaalada haatan ay tahay goobihii lagu dagalamay mid degan,

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku sugan goobihii la isku fara saaraymkooxdii soo weerartayna waa ay isaga baxeen halka uu dagalka ka dhacay,

ilaa iyo iminka ma jirto cid ka hadashay dagaalka oo shabaab iyo Maamulka dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo kan degmada Balcad oo ku aadan dagaalka,

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here